Monday, February 1, 2016

Waa maansadii {CIIL BA CIIL} waxaan qoray 24/11/2015.

CIIL BA CIIL              Maanso



arligeygoow calamo badanidaa
xuduud iyo calaamado badanidaa
col iyo madax badanaa
ciidaadiina oon badanaa
dhulku cagaar yaraa
caleen iyo doog yaraa
xoolaheenii  ceersanaa
cows iyo nacfi la'aa
cunis iyo hunguri la'aa
dadkaagiina cilmi yaraa
ciirsi iyo itaal yaraa
bulshadaadu ciil badanaa
calaacal iyo taahbadanaa
gumeysi iyo ceyr jeclaa
adoonsi iyo col jeclaa
caruurtaadiina baahi badanaa
dhalinteynu cowrsanaa
caalam iyo duni jeclaa
dalka ka carari ogaa.

madaxdeynu ceeranaa
calaf iyo dano jeclaa
hunguri doonis badanaa
kursi iyo ciseyn jeclaa
wax qabad iyo curin yaraa
daween iyo caafimaad yaraa
siyaasadiisu cuqdad badanaa
cid iyo qabiil badanaa
maatida cuuryaamin ogaa
caalam dajin badanaa
siyaasigu curisaa
cidiya iyo hurguri dheeraa
cunis iyo isii badanaa
hanbeyn iyo celin yaraa
ciidamadeynu beylahanaa
cirba iyo boqono yaraa
cudud iyo itaal yaraa
gumeystaheynu cabiidsanaa
col naga celin ogaaa
bahalo ceyrin ogaa
cunistiisuna badanaa.

magaaladu caafimaad yaraa
xaruumu iyo cuduro badanaa
dhaqtaradu ciirciirsnaa
cuduro daweyn yaraa
jaamacadahu cadad badanaa
guri iyo calaamad badanaa
aqoontu ka caaganaa
 baris iyo cilmi yaraa
guul iyo intifaac yaraa
ceesh iyo hunguri jeclaa
laamiyadu ciid badanaa
wasaq iyo calow badanaa
baabuurta ku carari ogaa
cid nadiifisa la'aa.

dunidu ceyn badanaa
caraf iyo hawo badanaa
hanade cimrigeedu yaraa
casar walba laga caraabi ogaa
calooshu baahi badanaa
cunis iyo hurguri jeclaa
hadana celin yaraa
caashaqu taah badanaa
cuq iyo xanuun badanaa
marna caweys badanaa
farxad iyo caleemo saranaa.

amuurahaan culeys badanaa
casharkaani dhirir badanaa
maskaxdeynu celinsanaa
dareenkeynu caaganaa
qalbiyadeynu caaranaa
caku ciil badanaa
calaacalkeygu badanaa
bulshadeynu cilmi yaraa
faham iyo caqli yaraa

dareen iyo ficil la'aa.

1 comment:

  1. fadlan hadaad aqriso qoraalkan, iidhaaf faalo taaso ii noqota mid i hagta, hadaan qaldamay isax {waan qaldami karnaa insaan ayaan nahay} hadii kale isii talo waan kuu mahad celinyaa waqtiga aad ka lisay aqrinta maansadeyda waxey ii tahay farxad, waxaadna dagtay qalbigeyga, kamana tirmi doontid hadaad talo iigu darto.

    ReplyDelete