Monday, February 1, 2016

IIMA DOORIN!       31/1/2016

Duunyo ma li'i
Duur  ma li'i
Daaq  ma li'i
Dugsi ma li'i
Dad ma li'i
Dibno ma li'i
Dareen ma li'i
Daw ma li'i
Dabiib ma li'i
Dawo ma li'i
Daryeel ma li'i.

ee     ee    ee

Waxa idooriyay
Iga diray aduunka
Iga duugay koonka
Iga dhigay dugaaga
Iga deyray qalbiga
Iga dooxay laabta
Iga jecel dibnaha
Iga diiday maanka
Iga daahay araga
Iga duubay gacnmaha
Iga dabray lugaha
Iga diiray muuqa
Iga doonay xoolo.

ee    ee      ee

Igu diray walaalkey
Igu diray adeerkey
Igu diray abtigeey
Igu diray atoorkey
Igu diray wadaadka
Igu daray bahaahinka
Igu daadshay xeebta
Igu daabacay xumaha
Igu roon duleenta
Igu daara shumaca
Igu duul duulee
Igu duubay beenta.

ee      ee      ee
I dugaaliyay buhda
Ii dhiga dabinka
Ii diida maalka
Ii soo dira lacagta
Ii daarray kaamka
Ii duxeeyay tuugsiga
Ii daara leerka
Ii diida iftiinka
Ii diiday tacabka
Ii diiday garaadka
Ii diidan garashada
Ii dana iina darane.

ee       ee     ee

Ardaaliyo maaha gaal
Aduuniyo maaha maal
Awoodiyo maaha maan
Ayaan iyo maaha nasiib  
Amariyo maaha fulin
Ahaaniyo maaha muuq
Abaariyo maaha oon
Adeeciyo maaha maqlid
Ab-iyo maaha isir
Adeeriyo maaha tol
Ahaanshiyo maaha yeel
Ahawiyo maaha haye.


No comments:

Post a Comment