Sunday, January 31, 2016

Hay'addaha amniga iyo maamulka gobolka banaadir oo yeeshay kulan amniga ku saabsan:

Hay'addaha amniga iyo maamulka gobolka banaadir oo yeeshay kulan amniga ku saabsan:

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay'addaha amniga ayaa maanta isugu yimid kulan looga hadlayay xaalada amaan iyo sida ay bulshada ku dhaqan gobolka banaadir ugu qeyb qaadan karaan sugida amaanka.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana kasoo qeybgalay Agaasimaha hay'addda nabadsugida qaranka iyo sirdoonka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha ciidamada.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Benaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo saxaafadda kulanka kadib la haday ayaa sheegay in kulanka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa amniga, isla markaana looga hortagi lahaa weerarad dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

“Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah  amniga, ujeedkuna waxa uu ahaa xoojinta iyo wada shaqeynta hay’adaha ammaanka dhexdooda ah, guul ayuuna ku soo dhamaaay” ayu yiri Afhayeenka Gobolka oo hadalkiisa ku daray in 15-ka bisha soo socoto loo qabtay ganacsatada u dhegan boorarka ay ku qoranyihiin afka qalaad inay ku badalaan afka hooyo.