Sunday, February 7, 2016

Gabaygaan waa tiriyay Abwaan Geele Ismaaciil Macalin oo loo aqoon jiray {Geele Faruur}, oo ka tirsanaa Jabhadii xalaasha aheyd ee USC markii danbane u xuubsiibatay Isbaheysiga SNA, wuxuu ka hadlayaa dagaalkii bareerka ahaa ee ku soo qaaday soomaalia URURKA lii'jaanka u ah reer galbeed ee lagu magacaabo UN kaasoo loo sameeyay in lagu qabsado Africa iyo Bariga Dhexe, iyo sideey ugu fashilmeen iyo jabkii gaaray.





TAARIIQDA UDUBKAAN UDHIGAY LAMA ILOOWAAN                                      DHEH!



Aduunyada markii la skumee, udubka loo taagay
Oo Aadaniyo Xaawo qura, uunka laga beeray
Isla weyniyo damacna wey, la'amba qaadeene
Anafiyo daandaansi baan, laga ag waayeyne
Hadba waxey indhuhu kuu qabtaan, qaar edaab darane
Iyagoo anbad ah oo lamida, idaha deex jooga
Is amiiriniyo talo xumaan, soo alaalaxa'e
Markii aayar soco aad dhahdana, eersadoo necebe
Hadiise aad indhaha goysidoo, ooyin kaga keento
Sidii gabar aroos loo wadoo, aqalka loo hooyay
Oo edabta qiimeyn taqaan, aamusaa jira'e
Eebada wadnaha gaadhay, bey ku caqliyeeystaane
Arintuu daraad ku diiday, buu kugu adeecaaye
Afkuu shalayto kugu caayay, buu kugu amaanaahe
Kuwii olo'oleynayayee, feedha ka ordaayay
Afmiishaaradii daba socdee, kala irdhoobaani
Ugun bururtay kiiyoo ahoo, uburtu hoos taalo
Markaasey sidii oor hayin ah, ubadku fuulaane
Hadaan ararta soo koobiyo, eray tusaaleynta
Oo aan ujeedada murtida, meela ka iftiinsho
Waxaan aduunyada soo dhicin, odayna soo sheegi n
Aqoon kororsigaan bixinnay baa, aad uyaab badane
Islaweynigii xulufadiyo, arax jabkii gaadhay
Albaabadii xirnaayeen ku furay, lama iloowaan dheh
In ununuf geeleyga dhac, kuna abaal doonto
Ana aan indha hoos urogo, amar haleysiiyo
Waa waxaanan waligey aqbalin, aabigaaa xumiye
Eersiiyay raadiyihii xumaa, ey ku afar qaadeene
Bakistaankii waataan edbiyay, soo asool tagaye
Afar iyo labaatan isdulyiil, lama iloowaan dheh
Idaacaduhu waatey dhamaan, olo'oleeyeene
Waatii arkay iyo maqlay, loo adeegsadaye
 Magacii amniga qaar watoo, UNa sii joogay
Iyagoo amuuraha dhex galin, kana aftaag leeyay
Arr-goosi duulanahoo, waliba AC leh
SNA lagu qaadaybey, soo ansixiyeene
Markii aan allahu akbariyo, weerar ku amaagnay
Oradkiyo baqadey dhigeen, lama iloowaan dheh
 Markii UN la adeegsadiyo, ururi soo waashay
Iyo urur fataaloo dhaniyo,  agagas hoos jooga
Iyagoo atoore isku qaba, oohin kaga keenay
Inkiraada meedkoodiyo, aramidii gaadhay
Waxa americankii ku dhacay, lama iloowaan dheh
Markii aan iftiiniyo baanan, arryo u diidnay
Oo aan sidii ubad yar-yar, xiro ku oodeynay
Aakhiro qof joogaa ka roon, eynigaa badaye
Intey dunida marag nooga tahay, nala eegeysay
Allaabtey ku saxaroonayeen, lama iloowaan dheh
Ura badane fulaybaa dhag-xaan, soo uruursada'e
Waa astaamaha ugoonida ah, lagana eegaaye
Iyagoo uluufaad kabadan, aalada u taala
Oo boqol askariyoo kunoo, ari dhamaan moodo
Ilaa iarporka u fadhidoo, qeylo Aaaa yiriye
Argagaxisadii aan ku riday, lama iloowaan dheh
Aboorkiyo kufaarkiyo dhiqlaha, nagu ag meereystay
Ayaxiyo dugaha dulayiyo, ugatada qaawan
Uureyskiyo dowligiyo, owli iyo owba
Wali waxaan la ama-kaagsanahay,  aadna ula yaabay
Isma dhaantadaa sida masuul, loogu aaminaye
Waxa eygii Cilinton ku dhacay, lama iloowaan dheh
Arin curad ah ruuxii kastaa, waa ogsoon yahaye
Hadba xaajadii ugubahaa,  la ashqaraartaaye
Aas aaskii aan jeexnayiyo,  aqaladaan taagnay
Iskuulaadka waa lagu dhigaa, ololaheyniiye
Africanka iyo Carabihii, loo indha cadeeyay
Ku ilbixinay ari raacatada, Asianka ahe
Taariiqda udubkaan umuday, lama iloowaan dheh
Inkastoo asxaaniyo amaan, iibin lagu doono
Ama aad aduunyada dhamaan, wada ogeysiiso
Dhulka lama amaaneysan karo, ereg sideediiye
Afar taako leysuma ogola, aag yaroo la ege
Israa'iilta Falastiinba, mey kala irdhoobeene
Waxa uuf wareenkaa ku riday, waa ilduuf hora'e
Ana aaya tiinkeyga iyo uduga, ciideyda
In American iga raree, uga ugaaroobo
Waa waxuu caqliga diidayoon, aad uqoonsada'e
Sidaan aaqirkoodii ku diray, lama iloowaan dheh
Orginalka dahabkiyo,  maarta la aruurshay
Midba unugta raxantuu yahaa, lagu asteeyaaye
Asalkiyo asuulkeygiyo,  xididka ii aasan
Isirkeyga soomaali baan, ugu arooraaye
Isticmaarka waligey ma noqon,  kii abaan sada'e
Maantana ilaah iguma qaban,  inaan adeecaaye
Maroodiga ilkaha aan ka riday,  lama iloowaan dheh
Waxuu aabahey igu korshoon,  aaminaa jira'e
Arligeygiyo ciideydaan,  ku intifaacaaye
Beeraha abuurkoodiyo,  ilaha soo saarka
Arabaqidiyo mooskiyo, uduga seytuunka
Kheyraadka uurkiisa yaal, laga idleen waaye
Imaanka ruuxaan la'een,  waa ogsoon yahaye
Aagaan mugii baa ku filan,  qoys dhanoo idile
Adimada inaan hoorsadoo,  qaata arxankeyga
Ama dhaxalka ubadkeyga,  cunu ha iga eegina'e
Abaarteyda qodobkaan cuskaday,  lama iloowaan dheh
Sadexdii octoobar,  hadaan meela ka iftiinsho
Aqalkii cadaa baa ka naxay,  aafadaan dhigaye
Raanjeris af taagleynayee,  ii dheh lagu waalay
Galab axada amarkaa socdee,  soo araasiya'e
Ilaa olombic iyo suuqa weyn, ubax sinaadkeeda
Sarta aadan iyo geed jaceyl,  aaga xarar-yaale
Dayuurado aluufaad ahoo,  balo afuufaaya
Abaan duulihii ciidankiyo,  hawk kusoo amarye
Ifantarigii doon dooni jiray,  maalintaa aragye
Afar iyo shan goortaan ridnoo,  ololka noo muuqday
Markii askarihii go'een,  ubatone leeftay
Sida owrta waatey dideen,  araxyo weyntiiye
Waa tii istaafkii durba,  ubadku jiideene
Waateey arlada xaafadaha,  magan u aadeeyne
Adimada kornel laga jabshee,  ula ku boodaaya
Aadaarka beyloodadii,  aamus laga waayay
Filinkaan aduunka u bandhigay,  lama iloowaan dheh
Qof umiyuhu aqalkiisuu,  olol la doonaaye
Owlaada iyo maatadiyo, ubadka hoos jooga
Udbuhuu u siibaa,  halkii agabtu ey tiile
Anfac maalin loo dhiibayiyo,  shilimo aafeysan
Iyo aragti caantey ahuu,  kula abraaraaye
Kuwii lagu ugaaranahayee,  calankii iib geeyay
Isbaarooyinkii aan udhigay,  lama iloowaan dheh
Isu ururi kaan erinayiyo,  kuu adeegsadaye
Arxaniyo wanaag kuuma,  galo owrkiraaluhuye
Markaan aqasu-naasiintiyo, abacda naafeynay
Oo UNa iyo Washington, lagu agoontoobay
Istilaab la mari, qodobadii loo adeegsadaye
Qaar aan asbuuc seexanoo,  qarow la eedaaday
Iyo qaar inkiray bey noqdeen, amaradoodiiye
Koley obalbareyd ku tahay,  iyo eyga Cillinton ah
Sidii igar maqaar loo sidee,  olol bilaabeene
Ingeyt iyo flat uu ka yahay,  oogle kabalyeeri
SNAda waa tii la yiri, aayar soo kora'e
Adis ababa waa kuwii ka dagay, odayadeeniiye
Amuurtaana waad garan kartaan,  idil ahaantiine
Ujeedooyinkeenii hirgalay,  lama iloowaan dheh
Soomaali inaan loo onkodin, lama iloowaan dheh
Aabiga inaan nalagu dayin, lama iloowaan dheh
Gumeysiga indhaha aan ka riday,  lama iloowaan dheh
Aas aaska taariiqdayada, lama iloowaan dheh
Ileyskii baqtiyay baan shidnee,  lama iloowaan dheh
Iftiinkiisi baa baxayee,  lama iloowaan dheh
Mahadane ILAAH baa iska leh,  saan ogsoonahaye
Iney guushu aqalkeena taal,  lama iloowaan dheh .

W/Q A:Warsame Hassan

No comments:

Post a Comment