Monday, March 14, 2016

Caqabadaha kaa hortaagan inaad Horumar sameyso?


Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:


1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.

2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.

3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.

4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.

5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.

6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.

7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.

8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.

9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.

10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.

11. Jooji inaad midabkaaga bedesho. – In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?


W/Q  Abdishakur Shakra

Sii faafi si dad badan uga faa'iidaystaan

Xigasho #‎farah cawaash

Friday, March 4, 2016

Waa fariin ka socota maamulka qeyb danabeedkan, kuna socota dadka ku xiran, waxeyna qoseesaa baaqashadii qoraalkii todobaadkan ee [WAX KA BARO] iyo gogoldhiga qoraalka soo socda todobaadka kale insha allah.



RAALI GALIN
dhamaan aqristayaasha qeeybteyda waxaan ka raali galinayaa dib u dhaca ku yimid qoraalkii todobaadlaha ahaa ee [WAX KA BARO], kaa oo aad aqrisan jirteen maalinta jimcaha, waxaana sabab u ahaa baaqashadiisa cilad farsamo oo ku timid agabkeyga.
Qoraalka [WAX KA BARO] waxaa lagu soo bandhigaa taariiqda dadkii hore ee wanaagsana, waxqabadkoodi, kaalintii ey nolosha bulshooyinkooga kaga jireen, iyo heerka ey gaareen, waxaa lasoo bandhigaa todobaad walba maalinta jimcaha ah, 00:05 AM xilliga geeska africa. 
BALAN QAAD
Todobaadka soo aadan inshaa allah waxaa idiin soo bandhigi doonaa Taariiqda wariye [MOHAMUUD ALI HAAJI SAXAFI YARE], oo ka mid ah wariyayaasha ka howl gala magaalada mogadisho, sidoo kale waa arday jaamacadeed oo barta FANKA MAAMULKA BULSHADA, wuxuu yahay Tababare sare oo ku taqasusay cilmiga warbaahinta, wuxuu soo saaray wariyayaal badan oo ka howlgala hada idaacadaha maxaliga ah ee mogadisho, wuxuu kaluu soo saaray buugaag lagu barto cilmiga saxaafada kaa oo ey ka gacan siiyeen asxaab ey wada shaqeeyaan, wuxuu saxaafada bartay 5sano ka hor, wuxuuna lasoo shaqeeyay warbaahino kala duwan oo caan ah sida IDAACADA ARIMAHA BULSHADA EE XURMO, WARBAAHINTA SHABEELE, IYO RADIO MUSTAQBAL, hada wuxuu ka howl galaa IDAACADA WAXBARASHADA EE MAANDEEQ. 
Waxaan idiin soo gudbin doonaa haduu eebe idmo tariiq nololeedkiisa, qibradiisa xaga warbaahinta, hormarka nolosha, iyo noloshiisa gaar ah, 


 W/Q Q:Warsame hassan.
 

Wednesday, March 2, 2016

waxaa jira wax yaabo badan oo kala duwan oo laga helo koonka, Ragu waa waxa ugu muhiimsan ee laga helo koonka.



RAGU WAXEY U QEYBSAMAAN AFAR. 
1: NIN   2: 2NIN   3: NIN BARKII  iyo 4: NIN KU SHEEG 
1: GEESIGU WAA  NIN.
2: NINKA DAMIIRKA LEH WAA 2NIN.
3:NINKA BAQIILKA AH WAA NIN BARKII.
4:NINKA FOLAYGA AHNA WAA NIN KU SHEEG. 

DAAWO: Dr. Georgi Kapchits oo ka hadlaya.


W/D Q:Warsame Hassan.