Tuesday, July 26, 2016

Ma Taqaanaa 25 Ka Nabi Ee Quraanka Lagu Sheegay Halkay Ku Dhasheen Iyo Halkay Ku Aasan Yihiin?


Ma Taqaanaa 25 Ka Nabi Ee Quraanka Lagu Sheegay Halkay Ku Dhasheen Iyo Halkay Ku Aasan Yihiin?


1) Adam( abul bashra ) wuxu noola 1000 sano wuxu ku aasan yahay (hindiya) waxa kale oo la yidhahda wuxu ku aasan yahay (makkah) qolo sadexad aya aaminsan inuu (baytul maqdis)ku aasan yahay.
2) Idriis wuxu noola 865 sano lama sheegin halku ku aasan yahay.
3) Nuux (sheekhul mursaliin) 950 sano, wuxu ku aasan yahay masaajidka kuufa waxa kale oo la yidhahda masjidul xaraam.
4) Huud, 464 sano, wuxu ku aasan yahay yemen.
5) Saalax kutubtu may sheegin inta sano ee uu noola balse wuxu ku aasan yahay yemen.
6) Luud isna lama sheegin inta qarni ee uu noola,wuxu ku aasan yahay tuulo sawcar la yidhahdo.
7) Ibraahiim (abu anbiyaa) 200 sano ayu noola, waxana lagu aasay falastiin sanadkii 1263.
8) Ismaaciil, 137 sano ayuu noola, waxa lagu aasay gadaasha hooyadii haajira waxanu ku aasan yahay makkah.
9) Isxaaq , 180 sano ayu noola waxana lagu ag aasay aabihii ibraahim ( falastiin).
10) Yacquub, 147 sano ayu noola, wuxu ku geeriyoday masar lakin iyadoo la fulinayo dardaarankisi waxa lagu aasay (falastiin).
11) Yuusuf, 110 sano ayu noolaa isna wuxu ku geeriyoday masar lakin wuxu ku dardaarmay in falastiin lagu aaso waana lagu aasay.
12) Shucayb lama sheegin intuu noola lakin falastiin ayu isna ku aasan yahay.
13) Ayuub, 93 sano ayu noolaa, waxa lagu aasay tuulo la yidhahdo shiikh sacad oo u dhaw dimishiq.
14) Dul kifal, lama sheegin inta sano ee uu noola lakin wuxu ku dhashay masar waxana la sheega inu ku aasan yahay dhulka shaam.
15) Yoonis, lama sheegin halku ku dhashay sidoo kale wax war ah culimada islamku kama hayso halkuu ku aasan yahay.
16) Muuse, 120 sano ayu noolaa wuxu ku aasan yahay siinaa meesha la yidhado.
17) Haaruun, 122 sano, isna siinaa ayu ku dhintay laguna aasay .
18) Ilyaas, kutubtu ma sheegin wakhtigu dhashay lakin waxa la sheega inu dhashay wakhtigii reer banii israail gashay falastiin ka dib, waxanu ku aasan yahay lubnaan.
19) Yasac, lama sheegin wakhtigu dhashay sido kale lama oga xaguu qabtay markay qoladiisi beenisay ee uu iskaga tagay.
20) Daauud, 100 sano ayu noola lakin lama sheegin halku ku aasan yahay 40 sano ayu xukunkiisu dhisnaa.
21) Sulaymaan 52 sano ayu noolaa 12 sano ayu jiray marku aabihii madaxtinimada ka dhaxlay 40 sano ayaanu xukunka haystay.
22) Sakariye, 150 sano ayu noolaa lama sheegin halku ku aasan yahay
23) Yaxye, wakhtigu dhashay lama sheegin lakin wuxu dhashay wakhtigii uu dhashay masiix (nabi ciise) waana la dilay madaxiisi aya ku aasan dimishiq.
24) Ciise ( masiix) dhulka guudkiisa wuxu joogay 33 sano waxa la sheega inay hooyadii maryama noolayd dabadii 6 sano 53 sano ayay ku dhimatay.
25) Nabi Maxamed (n.n.k.h) wuxu dhashay sanadkii 571, wuxu ilaahay oofsaday 63 markuu ahaa waxanu ku aasan yahay gurigii caaisha (masjidu nabawi).
Dhamaan dadka aan jeclahay ka faaidaysi wacan.
XIGASHO ABDULAHI ALI SHEIKH #AbdallaAliXuuke

Monday, March 14, 2016

Caqabadaha kaa hortaagan inaad Horumar sameyso?


Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:


1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.

2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.

3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.

4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.

5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.

6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.

7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.

8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.

9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.

10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.

11. Jooji inaad midabkaaga bedesho. – In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?


W/Q  Abdishakur Shakra

Sii faafi si dad badan uga faa'iidaystaan

Xigasho #‎farah cawaash

Friday, March 4, 2016

Waa fariin ka socota maamulka qeyb danabeedkan, kuna socota dadka ku xiran, waxeyna qoseesaa baaqashadii qoraalkii todobaadkan ee [WAX KA BARO] iyo gogoldhiga qoraalka soo socda todobaadka kale insha allah.



RAALI GALIN
dhamaan aqristayaasha qeeybteyda waxaan ka raali galinayaa dib u dhaca ku yimid qoraalkii todobaadlaha ahaa ee [WAX KA BARO], kaa oo aad aqrisan jirteen maalinta jimcaha, waxaana sabab u ahaa baaqashadiisa cilad farsamo oo ku timid agabkeyga.
Qoraalka [WAX KA BARO] waxaa lagu soo bandhigaa taariiqda dadkii hore ee wanaagsana, waxqabadkoodi, kaalintii ey nolosha bulshooyinkooga kaga jireen, iyo heerka ey gaareen, waxaa lasoo bandhigaa todobaad walba maalinta jimcaha ah, 00:05 AM xilliga geeska africa. 
BALAN QAAD
Todobaadka soo aadan inshaa allah waxaa idiin soo bandhigi doonaa Taariiqda wariye [MOHAMUUD ALI HAAJI SAXAFI YARE], oo ka mid ah wariyayaasha ka howl gala magaalada mogadisho, sidoo kale waa arday jaamacadeed oo barta FANKA MAAMULKA BULSHADA, wuxuu yahay Tababare sare oo ku taqasusay cilmiga warbaahinta, wuxuu soo saaray wariyayaal badan oo ka howlgala hada idaacadaha maxaliga ah ee mogadisho, wuxuu kaluu soo saaray buugaag lagu barto cilmiga saxaafada kaa oo ey ka gacan siiyeen asxaab ey wada shaqeeyaan, wuxuu saxaafada bartay 5sano ka hor, wuxuuna lasoo shaqeeyay warbaahino kala duwan oo caan ah sida IDAACADA ARIMAHA BULSHADA EE XURMO, WARBAAHINTA SHABEELE, IYO RADIO MUSTAQBAL, hada wuxuu ka howl galaa IDAACADA WAXBARASHADA EE MAANDEEQ. 
Waxaan idiin soo gudbin doonaa haduu eebe idmo tariiq nololeedkiisa, qibradiisa xaga warbaahinta, hormarka nolosha, iyo noloshiisa gaar ah, 


 W/Q Q:Warsame hassan.
 

Wednesday, March 2, 2016

waxaa jira wax yaabo badan oo kala duwan oo laga helo koonka, Ragu waa waxa ugu muhiimsan ee laga helo koonka.



RAGU WAXEY U QEYBSAMAAN AFAR. 
1: NIN   2: 2NIN   3: NIN BARKII  iyo 4: NIN KU SHEEG 
1: GEESIGU WAA  NIN.
2: NINKA DAMIIRKA LEH WAA 2NIN.
3:NINKA BAQIILKA AH WAA NIN BARKII.
4:NINKA FOLAYGA AHNA WAA NIN KU SHEEG. 

DAAWO: Dr. Georgi Kapchits oo ka hadlaya.


W/D Q:Warsame Hassan.

Thursday, February 25, 2016

George Weah is a Liberian humanitarian, politician, and retired footballer who played as a striker. Regarded as one of the greatest African players of all time and of his generation.


Personal life.
George Tawlon Manneh Oppong Ousman Weah (born 1 October 1966), born and raised in the Clara Town slum of Monrovia. He is a member of the Kru ethnic group, which hails from south-eastern Liberia's Grand Kru County, one of the poorest areas of the country. His parents were William T. Weah, Sr. and Anna Quayeweah. He was raised largely by his paternal grandmother, Emma Klonjlaleh Brown. He attended middle school at Muslim Congress and high school at Wells Hairston High School. Before his football career allowed him to move abroad, Weah worked for the Liberia Telecommunications Corporation as a switchboard technician.He has three children: George Weah Jr, Tita and Timothy.
George Weah career
International career
Weah played 60 games for Liberia over 20 years, scoring 22 goals. He has been the team's star player, a coach and to a large extent, funded the team. Although he was unsuccessful in helping his team qualify for a World Cup, missing out on the 2002 edition by a single point, he helped Liberia to qualify for the African Cup of Nations on two occasions, representing his country in the 1996 and 2002 editions, although Liberia failed to make it out of their group on both occasions of the tournament. Along with greats in the sport such as Alfredo Di Stéfano and George Best, Weah is regarded as being among the best football players who never got the chance to play at a World Cup.

Football career
After playing in the Liberian domestic league at the beginning of his successful career, and winning several national honours (including the Liberian Premier League and the Liberian Cup),  Weah moved to Europe in 1988, when he was signed by Arsène Wenger,  who was the manager of Monaco at the time, whom Weah credits as an important influence on his career.[6] At Monaco, Weah was a member of the team that won the French Cup in 1991, and he helped his club to reach the final of the European Cup Winners' Cup in 1992, scoring 4 goals in 9 cup appearances.  Weah  subsequently played for Paris Saint Germain (1992–95), with whom he won the Coupe de France in 1993 and 1995, the French league in 1994, the Coupe de la Ligue in 1995 during a highly prolific and successful period; he also became the top scorer of the UEFA Champions League 1994–95, with 7 goals, after reaching the semi-finals with the club, one of which was a skilful wonder goal against Bayern Munich in the group stage, on the 23rd November 1994.  He also managed to reach the semi-finals of the UEFA Cup during the 1992-93 season, and the semi-finals of the UEFA Cup Winners' Cup during the 1993-94 season; in total, he scored 16 goals in 25 European games. "Weah was a real surprise. I have never seen any player explode on to the scene like he did". Arsène Wenger.

Political career
Following the end of Second Liberian Civil War, Weah announced his intention to run for President of Liberia in the 2005 elections, forming the Congress for Democratic Change to back his candidacy. While Weah was a popular figure in Liberia, opponents cited his lack of formal education as a handicap to his ability to lead the country, in contrast with his Harvard-educated opponent, Ellen Johnson Sirleaf. Analysts also noted Weah's lack of experience, calling him a "babe-in-the-woods", while Sirleaf had served as Minister of Finance in the Tolbert administration in the 1970s and had held positions at Citibank, the World Bank and the United Nations.[37] Weah's eligibility to run for Presidency was also called into question as it was reported that he had become a French citizen in his footballing career at Paris St. Germain, but these complaints were rebuffed by the electoral commission in court and Weah was allowed to proceed.
Humanitarianism
Weah is a devoted humanitarian for his war-torn country. At the 2004 ESPY Awards at the Kodak Theatre, Los Angeles, Weah won the Arthur Ashe Courage Award for his efforts.[31] He has also been named a UNICEF Goodwill Ambassador, a role which he has suspended while he pursues a political career.
Later career
Weah had spells at Marseille in France and Al-Jazira from the UAE Arabian Gulf League before retiring in 2003, aged 37.
Style of play
During his prime in the 1990s, Weah was regarded as one of the best strikers in the world, and was lauded for his work-rate, as well as his physical and athletic attributes, which he combined with his finishing, technical ability, creativity and skill. A fast, powerful, physically strong player, he successfully filled the void left in the Milan attack by club legend Marco van Basten. In addition to his pace, dribbling skills, and goalscoring ability, Weah was also a team-player who was capable of creating chances and assisting goals for team-mates.  Along with Ronaldo and Romário, Weah was seen as a modern, new breed of striker in the 1990s who would also operate outside the penalty area and run with the ball towards goal, during a time when most strikers primarily operated inside the penalty area where they would receive the ball from team mates.

Honors and awards
African Footballer of the Year: 1989, 1994, 1995
FIFA XI: 1991, 1996 (Reserve), 1997, 1998[51]
French Division 1 Foreign Player of the Year: 1990-91[52]
UEFA Champions League Top Scorer: 1994–95
BBC African Footballer of the Year: 1995
Onze d'Or: 1995
Ballon d'Or: 1995
FIFA World Player of the Year: 1995
ESM Team of the Year: 1995–96
Onzes d'Argent: 1996
FIFA Fair Play Award: 1996
IFFHS African Player of the Century: 1996[53]
FIFA World Player of the Year – Silver award: 1996
FIFA 100
A.C. Milan Hall of Fame[50]
Golden Foot Legends Award: 2005[54]

World Soccer: The 100 Greatest Footballers of All Time.

W/Q Q:Warsame Hassan.

Thursday, February 18, 2016

Waa barnaamijka todobaadlaha ah ee WAX KABARO ee looga hadlo taariiqda, waxaana idiin soo bandhignay taariiqda halyeyga nabada aduunkan dagaalka badan, siyaasiga caalamiga ah ee Africa, diplomasiga reer Ghana, mr Kofi Annan, Aqris wacan.

 Kofi Anan waa Diplomasi Ghaneys ah oo ahaan jiray Xog'hayihii Todobaad ee soo mara Qaramada midoobay kaa oo xilka haayay January 1997 ilaa December 2006,




NOLOSHIISI HORE IYO WAXBARASHADIISII.
Kofi Annan wuxuu ku dhashay Kumasi gaar ahaan qeybta Kofandros ee wadanka GHANA oo markii hore loo aqoon jiray {XEEBTA DAHABKA} taariiqdu markey aheyd 8 April 1938kii, waxaana jiray labo gabdhoodoo mataano ah oo la dhashay waxaana la kala dhihi jiray Efua, Ataa kuwaa oo geeriyooday 1991kii, waxaana iska dhalay qoysaska sharafta leh ee Ashanti iyo Fante, laga bilaabo 1954kii ilaa 1957kii Annan wuxuu qeyb ka ahaa dugsiga aqoon yahanada ee Mfantsipim iyo kan laseexdo ee Methodist kuwaa oo la dhisay 1870 kuna yiilay dhulka xeebta ah, 1957kii markii uu qalin jabiyay Annan waxaa xurnimada qaatay wadankii la oran jiray {GOLD COST} ey heysteen gumeytihii ENGLAND balse markii danbe loo bixiyay GHANA, 1958kii Annan wuxuu bilaabay barashada dhaqaalaha waxuuna ka baran jiray Kumasi College of Science and Technology balse hada waxaa loo yaqaan Kwame Nkrumah University of Science and Technology of Ghana, 1961kii Annan wuxu helay deeq waxbarasho ka helay mac-hadka Macalester College ee ku yaal magaalada ST. paul ee gobolka Minnesota ee wadanka MAREYKANKA si uu usii dhameysto cilmigiisii dhaqaalaha,wuxuu kaloo diyaariyay shahaado DEA Degree ah {diplôme d'études approfondies}, oo ku bartay xiriirka caalamiga ah mac-hadka The Graduate Institute of International and Development Studies ee ku yaal Geneva, Switzerland 1962kii, sanado qibrado shaqo ah kadib, wuxuu shahaadada darajada labaade jaamacada ee Master Degree ka diyaariyay MIT Sloan School of Management,  wuxuuna bartay Fanka Maamulka, sidoo kale Annan wuxuu si fiican ugu hadli karaa luuqadaha English, French, Akan, xoogaa luuqadaha  Kru ee Ghana looga hadlo iyo luuqado kale oo African ah.
XIRFADIHIISII.
Kofi Annan 1962kii wuxuu ka shaqo bilaabay xafiiska mashruucyada hey'ada caafimaadka aduunka ee WHO taa oo ka hoos shaqeesa Qaramada Midoobay, la bilaabo 1974kii ilaa 1976kii wuxuu ka shaqeynaayay oo uu agaasime ka ahaa hey'ada dalxiiska ee dalka Ghana, 1980kii wuxuu noqday madaxa shaqaalaha ee wakiilka sare ee hey'ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ee Geneva, 1983kii wuxuu noqday agaasimaha adeegyada maamulka ee Xoghaynta Qaramada Midoobay ee New York, dhamaadkii sideetamaadkii waxaa loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee sadexda boose isku xiga, (1987–1990) wuxuu ahaa kaaliyaha dhanka ADEEGYADA BULSHADA, MAAMULKA, iyo ISKU XIRKA AMAANKA, (1990–1992) xilligaane wuxuu xoghaya ka caawin jiray dhanka  BARNAAMIJKA QORSHEYNTA, MIISAANIYADA, MAALIYADA IYO MAAMULKOOGA , (March 1993 – December 1996) wuxuu kaaliye ka ahaa ARIMAHA NABADEYNTA,
Kofi Annan xilligii uu kaaliyaha ka ahaa qeybta ARIMAHA NABADEYNTA CAALAMKA 1992kii, wuxuu qabtay shaqooyin muhiim ah oo ey kamid yihiin nabadeynta xasuuqii Rwanda, iyo joojinta dagaalkii sababay bur burka Somalia.
WAX-QABADKIISA.
TALOOYINKIISII DIB U HABEYNTA QARAMADA MIDOOBAY.
Kadib markii uu ku fadhiistay kursi 1997ki Mr Annan wuxuu sii daayay labo warbixin oo ku saabsan dib uhabeynta maamulka, wuxuu na dib u habeyn ku sameeyay habka Maamulka iyo Ururada talaabooyinka iyo Barnaamijyada,
bishii March ee 2000 Annan ayaa magacaabay qeyb baarta ceebaha ey lii yihiin howlaha nabada ee qaramada midoobay si ey qiimeyn u sameeyaan nidaamka markaas jiray iyo talaaboyin muhiim ah si loo helo is badal dhab ah,
wuxuu sameeyay hey'ad lagu magacaabo  Kofi Annan Foundation oo madaxbanaan  taaso aan raadiney dhaqaalo waxeyna ka shaqeysaa si loo helo maamul caalamiya oo si fiicane u xoojisa dadka iyo dalalka si loo gaadho cadaalad, iyo duni nabad ah.
ABAAL MARINADIISA CAALAMIGA AH.

wuxuu ku guuleystay 2001dii bilada nabada aduunka ee loo yaqaan Nobel Peace Prize
2000dii wuxuu ku guuleystay bilado kala ah Star of Ghana, Grand Cross oo wadanka Poland laga bixiyo, Kora Awards.
2008dii ayaa la siiyay bilad sharafta jaamacada Harvard,
wuxuu kaloo ku guuleystay bilado badan oo aan lasoo koobi karin
NOLOSHIISA GAARKA AH.

1965kii Kofi Annan wuxuu la aqal galay Titi Alakija oo kasoo jeeday wadanka Nigeria, sanado ka dib waxey u dhashay Ama Annan iyo walaalkeed ka yar ee Kojo, 1970kii wey kala tageen, 1984kii Annan wuxuu guursaday  Nane Lagergren oo aheyd qareen Swedish ah.

 W/Q Q:Warsame Hassan 




DAGAAL XOOGAN OO U DHAXEEYA LAANTA AFKA SOOMAALIGA EE BBCDA IYO AQRISTAYAASHEEDA FACEBOOK OO CIRKA ISKU SII SHAREERAYA. 

waxaa maanta sii xoogeysanaya dagaal ba'an oo lagu hoobtay oo u dhaxeeya laanta afsoomaliga ee bbcda iyo aqristayaasheeda facebook kaasoo kasii soconaya dagalkeeda bbcsomali ee facebook, dagaalkani ayaa waxuu ku biloowday kadib markii ey bbcda soo daabacday nuqul ka mid ah war ku saabsan dhacdadii diyaarada daalo taasoo ey uga hadlayeen faafaahino dheeraad ah oo ey ka heleen, waxaana dabka shiday markii ey ku sheegeen ninkii diyaarada ka dhacay ee looga shakisan yahay falka inuu ka danbeeyay mid kasoo jeeda gobolada waqooyi ee somalia qaasatan magaalada hargeysa balse waxaa ka gadooday dhalinyaro careysan oo kasoo jeeda somaliland, kuwaa soo qorayay erayo lid ku ah idaacada, waxaa isla markiiba dagaal saf balaaran ah soo qaaday kuwa udoodaya midnimo waxuu socda dagaalkii ayaa dharka iska dhigay oo isu badalay sharfta la dhibsaday ee qaladka loo isticmaalo {QABYAALAD}, waxaa markiiba soo kala dhex galay bageka laanta oo soo dhigay hanjabaad ka dhigan dhexdhexaadnimo balse waxaa gaashaanka u daruuray mayalka adeega soomaalida kuwaa oo halkii kasii miisay, waxaa kasii darneed mar lasoo dhigay warbixin looga hadlaayay xaalada doorashada dalka uganda oo gabadhi soo jeedineysay in dhamaan dagaalamayaashii uwada safteen dhinac oo ey bilaabeen inay ku gamaan hobkooda culus ee gacmaha laga qoro, idaacada oo careysan ayaa waxey kuguda jirtaa sidii laga yeeli lahaa fikrada qaldan ee loo soo diro oo xanafta iyo caay ku dheehantahay, mana jirto ilaa hada cid u istaagtay dhexdhexaadin ama u garqaadid meel la isku dacweeyana lama haayo, dagaalka ayaana wali socda oo xaalku waa baraku maleh, wixii soo kordhane halkaan ayaad ka heli kartaa.
W/Q A:Warsame Hassan.