Thursday, February 11, 2016


MAXAAD KALA SOCOTAA WACDARAHA WALAALAHEEN DJABOUTI KA DHIGEEN JEEM CUP.



Jamhuurida jabuuti oo ka mid ah wadamada ka qeyb galaya koobka 11jirada dugsiyada wadamada carabta ayaa waxey ku jirtaa qeybta B, waxaana ku wehliya wadamada kala ah, Palestine, lebanon, iyo jasiirada ku taal bariga Africa ee Jusrul Qamar ama Comoros,


Xalqada B, ilaa hada waxaa laga ciyaaray 3kulan walaalaheen jamhuuriyada jabuuti kulankii ugu horeeyay waxey la yeesheen wadanka bariga dhexe ku yaala ee Lebanon waxeyna ku xaaqeen 3-O
wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay ee groupka B.
waxaana isla sidaas oo kale wada ciyaaray wadamada Palestine iyo Comoros waxaana badiyay Comoros.


9/2/2016 waxaa kulan xamaasad badan uu dhex maray wadamada ka wada tagay barigakan ee Africa ee Jabuuti iyo Comoros kulan oo aad loo wada dhowrayay, maadaama ey min 3dhibcood oo nadiif ah wada la haayeen, balse nasiib wanaag wax la isku daalaba gabagabadii ciyaarta waxaa lagu kala baxay barbardhac min 2-2 ah oo la isku mari waayay, isla maalintaa Palestine ayaa cooska siisay Lebanon kulan adag oo ey wada qaateen .
maanta oo ey taariiqdu ku beegantahay 11/2/2016 waxaa la dheelay kulamo ka tirsan qeybta B, kulankii hore wuxuu dhex maray Comoros iyo Lebanon waxaa 3-0 loogu awood sheegtay wadanka Lebanon, ciyaartii danbe waxaa wada dheelay jamhuuriyada Jabuuti iyo Palestine ciyaar xiiso badan kadib waxaa 4-0 lagu dhuftay wadanka Palestine.
QEYBTA B ee koobka JEEM CUP waxaa si xarago leh ku hogaaminaya wadanka walaalaha aan nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti kuwaa oo soo bandhigay intuu koobka socday ciyaar loo riyaaqo oo quulo ku dhisan.
hoos ka daawo shaxda kala sareynta QEYBTA B.
Group B
Team MP   W D     L GF    GA +/-    Pts
Djibouti 3 2 1 0      9       2         7      7
Comoros 3       2 1 0 8 3        5  7
Palestine 3 1 0      2 4       8       -4  3
Lebanon 3 0 0 3 1 9        -8  0
Ismail Ahmed waa gool dhaliyaha ugu sareeya tartanka wuxuu lee yahay 5gool, sidoo kale wuxuu ku guuleystay xidigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, waa xidig weerarka kaga ciyaara qaranka jabuuti waana ciyaar yahan farsamo badan.

1 comment:

  1. Halkaan ku reeb fikradaada iyo talodaada sxb hadaad ii heyso waan kaaga mahad celinayaa waqtiga aad ku aqrisay qormadeyda waad mahadsan tahay.

    ReplyDelete