Kofi Anan
waa Diplomasi Ghaneys ah oo ahaan jiray Xog'hayihii Todobaad ee soo mara
Qaramada midoobay kaa oo xilka haayay January 1997 ilaa December 2006,
NOLOSHIISI
HORE IYO WAXBARASHADIISII.
Kofi Annan wuxuu ku dhashay Kumasi gaar ahaan qeybta Kofandros
ee wadanka GHANA oo markii hore loo aqoon jiray {XEEBTA DAHABKA} taariiqdu
markey aheyd 8 April 1938kii, waxaana jiray labo gabdhoodoo mataano ah oo la dhashay waxaana la kala dhihi
jiray Efua, Ataa kuwaa oo geeriyooday 1991kii, waxaana iska dhalay qoysaska
sharafta leh ee Ashanti iyo Fante, laga bilaabo 1954kii ilaa 1957kii Annan wuxuu qeyb
ka ahaa dugsiga aqoon yahanada ee Mfantsipim iyo kan laseexdo ee Methodist
kuwaa oo la dhisay 1870 kuna yiilay dhulka xeebta ah, 1957kii markii uu qalin jabiyay
Annan waxaa xurnimada qaatay wadankii la oran jiray {GOLD COST} ey heysteen gumeytihii ENGLAND balse markii danbe loo bixiyay GHANA, 1958kii Annan
wuxuu bilaabay barashada dhaqaalaha waxuuna ka baran jiray Kumasi College of
Science and Technology balse hada waxaa loo yaqaan Kwame Nkrumah University of
Science and Technology of Ghana, 1961kii Annan wuxu helay deeq waxbarasho ka helay
mac-hadka Macalester College ee ku yaal magaalada ST. paul ee gobolka Minnesota
ee wadanka MAREYKANKA si uu usii dhameysto cilmigiisii dhaqaalaha,wuxuu kaloo
diyaariyay shahaado DEA Degree ah {diplôme d'études approfondies}, oo ku bartay
xiriirka caalamiga ah mac-hadka The Graduate Institute of International and
Development Studies ee ku yaal Geneva, Switzerland 1962kii, sanado qibrado shaqo
ah kadib, wuxuu shahaadada darajada labaade jaamacada ee Master Degree ka
diyaariyay MIT Sloan School of Management, wuxuuna bartay Fanka Maamulka, sidoo kale
Annan wuxuu si fiican ugu hadli karaa luuqadaha English, French, Akan, xoogaa
luuqadaha Kru ee Ghana looga hadlo iyo
luuqado kale oo African ah.
XIRFADIHIISII.
Kofi Annan 1962kii wuxuu ka shaqo bilaabay xafiiska
mashruucyada hey'ada caafimaadka aduunka ee WHO taa oo ka hoos shaqeesa
Qaramada Midoobay, la bilaabo 1974kii ilaa 1976kii wuxuu ka shaqeynaayay oo uu
agaasime ka ahaa hey'ada dalxiiska ee dalka Ghana, 1980kii wuxuu noqday madaxa
shaqaalaha ee wakiilka sare ee hey'ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ee
Geneva, 1983kii wuxuu noqday agaasimaha adeegyada maamulka ee Xoghaynta Qaramada
Midoobay ee New York, dhamaadkii sideetamaadkii waxaa loo magacaabay kaaliyaha
xoghayaha guud ee QM ee sadexda boose isku xiga, (1987–1990) wuxuu ahaa
kaaliyaha dhanka ADEEGYADA BULSHADA, MAAMULKA, iyo ISKU XIRKA AMAANKA, (1990–1992)
xilligaane wuxuu xoghaya ka caawin jiray dhanka BARNAAMIJKA QORSHEYNTA, MIISAANIYADA,
MAALIYADA IYO MAAMULKOOGA , (March 1993 – December 1996) wuxuu kaaliye ka ahaa
ARIMAHA NABADEYNTA,
Kofi Annan xilligii uu kaaliyaha ka ahaa qeybta ARIMAHA
NABADEYNTA CAALAMKA 1992kii, wuxuu qabtay shaqooyin muhiim ah oo ey kamid yihiin
nabadeynta xasuuqii Rwanda, iyo joojinta dagaalkii sababay bur burka Somalia.
WAX-QABADKIISA.
TALOOYINKIISII DIB U HABEYNTA QARAMADA MIDOOBAY.
Kadib markii uu ku fadhiistay kursi 1997ki Mr Annan wuxuu sii
daayay labo warbixin oo ku saabsan dib uhabeynta maamulka, wuxuu na dib u habeyn
ku sameeyay habka Maamulka iyo Ururada talaabooyinka iyo Barnaamijyada,
bishii March ee 2000 Annan ayaa magacaabay qeyb baarta
ceebaha ey lii yihiin howlaha nabada ee qaramada midoobay si ey qiimeyn u
sameeyaan nidaamka markaas jiray iyo talaaboyin muhiim ah si loo helo is badal
dhab ah,
wuxuu sameeyay hey'ad lagu magacaabo Kofi Annan Foundation oo madaxbanaan taaso aan raadiney dhaqaalo waxeyna ka
shaqeysaa si loo helo maamul caalamiya oo si fiicane u xoojisa dadka iyo
dalalka si loo gaadho cadaalad, iyo duni nabad ah.
ABAAL MARINADIISA
CAALAMIGA AH.
wuxuu ku guuleystay 2001dii bilada nabada aduunka ee loo yaqaan
Nobel Peace Prize
2000dii wuxuu ku guuleystay bilado kala ah Star of Ghana, Grand
Cross oo wadanka Poland laga bixiyo, Kora Awards.
2008dii ayaa la siiyay bilad sharafta jaamacada Harvard,
wuxuu kaloo ku guuleystay bilado badan oo aan lasoo koobi
karin
NOLOSHIISA
GAARKA AH.
1965kii Kofi Annan wuxuu la aqal galay Titi Alakija oo kasoo
jeeday wadanka Nigeria, sanado ka dib waxey u dhashay Ama Annan iyo walaalkeed
ka yar ee Kojo, 1970kii wey kala tageen, 1984kii Annan wuxuu guursaday Nane Lagergren oo aheyd qareen Swedish ah.
waad ku mahadsan tahay waqtiga aad siisay aqrinta qormadaan, hadaad soo jeedineyso talo iyo bogaadin halkaan noogu reeb, inshaa allah waan qaadan doonaa inta macquulka ah, wixii amaan ahna waad ku mahadsan tahay.
ReplyDelete