Thursday, February 18, 2016



DAGAAL XOOGAN OO U DHAXEEYA LAANTA AFKA SOOMAALIGA EE BBCDA IYO AQRISTAYAASHEEDA FACEBOOK OO CIRKA ISKU SII SHAREERAYA. 

waxaa maanta sii xoogeysanaya dagaal ba'an oo lagu hoobtay oo u dhaxeeya laanta afsoomaliga ee bbcda iyo aqristayaasheeda facebook kaasoo kasii soconaya dagalkeeda bbcsomali ee facebook, dagaalkani ayaa waxuu ku biloowday kadib markii ey bbcda soo daabacday nuqul ka mid ah war ku saabsan dhacdadii diyaarada daalo taasoo ey uga hadlayeen faafaahino dheeraad ah oo ey ka heleen, waxaana dabka shiday markii ey ku sheegeen ninkii diyaarada ka dhacay ee looga shakisan yahay falka inuu ka danbeeyay mid kasoo jeeda gobolada waqooyi ee somalia qaasatan magaalada hargeysa balse waxaa ka gadooday dhalinyaro careysan oo kasoo jeeda somaliland, kuwaa soo qorayay erayo lid ku ah idaacada, waxaa isla markiiba dagaal saf balaaran ah soo qaaday kuwa udoodaya midnimo waxuu socda dagaalkii ayaa dharka iska dhigay oo isu badalay sharfta la dhibsaday ee qaladka loo isticmaalo {QABYAALAD}, waxaa markiiba soo kala dhex galay bageka laanta oo soo dhigay hanjabaad ka dhigan dhexdhexaadnimo balse waxaa gaashaanka u daruuray mayalka adeega soomaalida kuwaa oo halkii kasii miisay, waxaa kasii darneed mar lasoo dhigay warbixin looga hadlaayay xaalada doorashada dalka uganda oo gabadhi soo jeedineysay in dhamaan dagaalamayaashii uwada safteen dhinac oo ey bilaabeen inay ku gamaan hobkooda culus ee gacmaha laga qoro, idaacada oo careysan ayaa waxey kuguda jirtaa sidii laga yeeli lahaa fikrada qaldan ee loo soo diro oo xanafta iyo caay ku dheehantahay, mana jirto ilaa hada cid u istaagtay dhexdhexaadin ama u garqaadid meel la isku dacweeyana lama haayo, dagaalka ayaana wali socda oo xaalku waa baraku maleh, wixii soo kordhane halkaan ayaad ka heli kartaa.
W/Q A:Warsame Hassan.

No comments:

Post a Comment