Hay'addaha amniga iyo maamulka gobolka banaadir oo yeeshay kulan amniga ku saabsan:
Maamulka gobolka Banaadir iyo hay'addaha amniga ayaa maanta isugu yimid kulan looga hadlayay xaalada amaan iyo sida ay bulshada ku dhaqan gobolka banaadir ugu qeyb qaadan karaan sugida amaanka.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana kasoo qeybgalay Agaasimaha
hay'addda nabadsugida qaranka iyo sirdoonka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo
taliyeyaasha ciidamada.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Benaadir Cabdifataax Cumar
Xalane oo saxaafadda kulanka kadib la haday ayaa sheegay in kulanka la isku
raacay sidii loo xoojin lahaa amniga, isla markaana looga hortagi lahaa
weerarad dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
“Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah amniga, ujeedkuna waxa uu ahaa xoojinta iyo
wada shaqeynta hay’adaha ammaanka dhexdooda ah, guul ayuuna ku soo dhamaaay”
ayu yiri Afhayeenka Gobolka oo hadalkiisa ku daray in 15-ka bisha soo socoto
loo qabtay ganacsatada u dhegan boorarka ay ku qoranyihiin afka qalaad inay ku
badalaan afka hooyo.