Tuesday, July 26, 2016

Ma Taqaanaa 25 Ka Nabi Ee Quraanka Lagu Sheegay Halkay Ku Dhasheen Iyo Halkay Ku Aasan Yihiin?


Ma Taqaanaa 25 Ka Nabi Ee Quraanka Lagu Sheegay Halkay Ku Dhasheen Iyo Halkay Ku Aasan Yihiin?


1) Adam( abul bashra ) wuxu noola 1000 sano wuxu ku aasan yahay (hindiya) waxa kale oo la yidhahda wuxu ku aasan yahay (makkah) qolo sadexad aya aaminsan inuu (baytul maqdis)ku aasan yahay.
2) Idriis wuxu noola 865 sano lama sheegin halku ku aasan yahay.
3) Nuux (sheekhul mursaliin) 950 sano, wuxu ku aasan yahay masaajidka kuufa waxa kale oo la yidhahda masjidul xaraam.
4) Huud, 464 sano, wuxu ku aasan yahay yemen.
5) Saalax kutubtu may sheegin inta sano ee uu noola balse wuxu ku aasan yahay yemen.
6) Luud isna lama sheegin inta qarni ee uu noola,wuxu ku aasan yahay tuulo sawcar la yidhahdo.
7) Ibraahiim (abu anbiyaa) 200 sano ayu noola, waxana lagu aasay falastiin sanadkii 1263.
8) Ismaaciil, 137 sano ayuu noola, waxa lagu aasay gadaasha hooyadii haajira waxanu ku aasan yahay makkah.
9) Isxaaq , 180 sano ayu noola waxana lagu ag aasay aabihii ibraahim ( falastiin).
10) Yacquub, 147 sano ayu noola, wuxu ku geeriyoday masar lakin iyadoo la fulinayo dardaarankisi waxa lagu aasay (falastiin).
11) Yuusuf, 110 sano ayu noolaa isna wuxu ku geeriyoday masar lakin wuxu ku dardaarmay in falastiin lagu aaso waana lagu aasay.
12) Shucayb lama sheegin intuu noola lakin falastiin ayu isna ku aasan yahay.
13) Ayuub, 93 sano ayu noolaa, waxa lagu aasay tuulo la yidhahdo shiikh sacad oo u dhaw dimishiq.
14) Dul kifal, lama sheegin inta sano ee uu noola lakin wuxu ku dhashay masar waxana la sheega inu ku aasan yahay dhulka shaam.
15) Yoonis, lama sheegin halku ku dhashay sidoo kale wax war ah culimada islamku kama hayso halkuu ku aasan yahay.
16) Muuse, 120 sano ayu noolaa wuxu ku aasan yahay siinaa meesha la yidhado.
17) Haaruun, 122 sano, isna siinaa ayu ku dhintay laguna aasay .
18) Ilyaas, kutubtu ma sheegin wakhtigu dhashay lakin waxa la sheega inu dhashay wakhtigii reer banii israail gashay falastiin ka dib, waxanu ku aasan yahay lubnaan.
19) Yasac, lama sheegin wakhtigu dhashay sido kale lama oga xaguu qabtay markay qoladiisi beenisay ee uu iskaga tagay.
20) Daauud, 100 sano ayu noola lakin lama sheegin halku ku aasan yahay 40 sano ayu xukunkiisu dhisnaa.
21) Sulaymaan 52 sano ayu noolaa 12 sano ayu jiray marku aabihii madaxtinimada ka dhaxlay 40 sano ayaanu xukunka haystay.
22) Sakariye, 150 sano ayu noolaa lama sheegin halku ku aasan yahay
23) Yaxye, wakhtigu dhashay lama sheegin lakin wuxu dhashay wakhtigii uu dhashay masiix (nabi ciise) waana la dilay madaxiisi aya ku aasan dimishiq.
24) Ciise ( masiix) dhulka guudkiisa wuxu joogay 33 sano waxa la sheega inay hooyadii maryama noolayd dabadii 6 sano 53 sano ayay ku dhimatay.
25) Nabi Maxamed (n.n.k.h) wuxu dhashay sanadkii 571, wuxu ilaahay oofsaday 63 markuu ahaa waxanu ku aasan yahay gurigii caaisha (masjidu nabawi).
Dhamaan dadka aan jeclahay ka faaidaysi wacan.
XIGASHO ABDULAHI ALI SHEIKH #AbdallaAliXuuke

No comments:

Post a Comment